Saddex qof oo ku dhimatay qarax Muqdisho lagula eegtay Sarkaal Milatari ah

April 25 (Jowhar.com) -Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xooggan oo hoordhow ka dhacay degmada Hodan ee bartamaha magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxaasi uu sababy khasaare xooggan.

Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka la dhigo ayaa qabsatay gaari Cabdi Bile ah ay saarnaayeen askar Milatari ah, iyadoo qaraxa si gaar ah uga dhacay Isgoyska Banaadir nawaaxiga Isbitaalka Kalkaal, iyadoo goobta ay eheyd mid aad u mashquul badan.

Sarkaalka la beegsaday oo lagu magacaabo Janeraal Maxamed Xaashi Guuleed ayaa kasoo baxay Taliska Villa Baydhabo, isagoo u socday dhismaha xarunta wasaarada gaashaandhigga ee ku taala degmada Deyniile, halkaas oo ah goobta uu ku shaqeeyo.

Inta la ogyahay saddex qof ayaa qaraxaasi ku geeriyootay, dadka dhintay ayaa kala ah askari ilaalinayay sarkaalla la beegsaday, darawalkiisa iyo qof shacab ah oo xiligaasi wadada marayay, wararka qaar waxa ay sheegayaan in Janeraal Maxamed Xaashi Guuleed uu isaguna dhaawac daran ka soo gaaray weerarkan.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More