Saddex sarkaal oo Shabaab ah oo lagu dilay deegaanka Ceel-La Helay 

Sep 07 (Jowhar.com)-Hawlgal gaar ah oo ay fuliyeen Ciidanka Qaranka iyo Ciidamada deegaanka ayaa lagu dilay saddex horjooge oo mas’uul ka ahaa falalka diinta ka baxsan ee Shabaab ka fulin jireen Galmudug.

Hawlgalka oo xalay ka dhacay Galbeedka Ceel-La Helay  waxaa lagu dilay Olol Cali Guuleed oo ahaa madaxii abaabulka jabhadaha, Shuuke Cali Dheeg iyo Ciise Barre oo iyaguna ahaa labo dembiile oo lagu daba jiray.

Hawlgalka oo ahaa mid si xirfadaysan loo qorsheeyay loona fuliyay waxa uu dhabarka ka jabiyay guud ahaan argagixisada gaar ahaan kuwa ku dhuumaalaysanaya Galmudug.

Dowladda Soomaaliya waxa ay u mahadcelinaysaa shacabka deegaanka ee gacanta ka gaystay fududaynta hawlgalka.

Waxaa ka go’an Dowladda oo kaashanaysa Shacabka Soomaaliyeed in la ciqaabo dhagar qabeyaasha ee ku dhiirran falalka shacabka iyo dalka lagu dhibaateynayo, isla markaana ka dhaga adayga in ay ka haraan fikirka iyo ficilada Khawaarijta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More