Saddex Xildhibaan oo maanta lagu doortay magaalada Muqdisho

Saddex kursi oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu doortay magaalada Muqdisho doorasho ka dhacday dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.

Doorashadan ku doorteen Saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee xildhibaanada ka soo jeeda gobolada Waqooyi ayaa Kursiga Koowaad ee Hop244 waxaa ku tartamay Kaltuun Xayir Jaamac iyo Siciid Maxamed Maxamuud, waxaana ku guuleystay Siciid Maxamed Maxamuud.

Kursiga labaad ee HOP037 oo ay horay ugu fadhisay Hudda Axmed Cali ayaa waxaa ku tartamay, Marwo Ifraax Maxamed Cawad (Nooleeye) iyo Marwo Caasha Cabdilaahi Warsame Diiriye, balse Marwo Ifraax Maxamed Cawad ayaa kursiga ku guuleysatay kadib markii ay ka tanaasushay tartanka Caasha Cabdullaahi (Nooleey).

Kursiga Saddexaad ee HOP238 ayaa waxaa ku guuleystey Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir kadib markii uu tanaasulay Cabdilaahi Cabdiqani Ibraahim.

Dhammaan saddexda kursi ee maanta lagu doortay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ahaayeen kuwo aan lagu tartamin iyadoo xildhibaanada guuleystey loo tanaasulay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More