Maxamed Cajiib oo loo doortay xildhibaan Golaha Shacabka

Doorasho ka dhacday maanta magaalada Dhuusamareeb ayaa xildhibaanadii lagu doortay waxaa ka mid ahaa Maxamed Ibraahim oo loo yaqaan ‘MaxamedCajiib”.

Kursiga tirsigiisu yahay HOP64 ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Cabdullaahi Iimaan Afrax iyo Ganacsade Maxamed Ibraahim Cali (Maxamed Cajiib), waxaana kusoo baxay oo ku guuleystay Maxamed Cajiib.

Maxamed Cajiib ayaa helay Codad gaaraya 98, halka Musharaxii la tartamayey ee Cabdullaahi Iimaan uu isna helay 2 Cod, sida ay ku dhawaaqeen Natiijada Guddiga doorashada Maamulka Galmudug, iyadoona ay doorashada coddeeysay 101 ergo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More