Safiirka Midowga Yurub”Waxaan cambaareyneynaa falalka argagaxisada iyo dilalka Siyaasadda”

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tina Intelmann ayaa ka hadashay weerarkii qaraxyada ahaa ee xalay ka dhacay magaalada Beledweyne iyadoo cambaareysay weerarkaas.

Tina Intelmann ayaa barteeda Twitterka waxa ay ku sheegtay in Midowga Yurub uu cambaareynayo weerarkii xalay ka dhacay Beledweyne.

“Midowga Yurub waxaa uu cambaareynayaa falalka Argagixisada iyo dilalka ku saleysan siyaasadda, tacsi ku socota Ehelada Xildhibaan Aamina”ayay tiri Tina Intelmann.

Weerarkii xalay ka dhacay magaalada Beledweyne oo si kulul loo cambaareeyay ayaa waxaa wararka ay sheegayaan in ujeedka weerarkaas uu ahaa mid lagu bartilmaamedsanayay xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo si weyn ugaga soo horjeesatay dilkii loo geystey Ikraan Tahliil Faarax.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More