Safiirka Soomalaiya ee Kenya oo si carro leh uga baxay shir uu gudoominayay madaxweyne Kenyatta.

June 14 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Safirka Soomaaliya ee Kenya Maxamed Axmed Nuur Tarzan uu ka baxay barqadi Maanta shir safiirada caalamka ee kenya Fadhiya uu ku casuumay Madaxeyne Uhuru Kenyatta.

Sida Diplomaasiyin ka tirsan Safaaradda ay sheegeen Safiir Tarsan ayaa shirka ka baxay kadib markii uu soo galay qof la sheegay inu yahay safiirka Somaliland u jooga Kenya taas oo buuq badan dhalisay kadibna keentay inuu shirka ka baxo .

Safiir Tarsan ayaa markii uu goobta yimid ku arkay Calanka Somaliland iyo qof matalayay Somaliland, iyadoo wixii markaas ka dambeeyay uu shirka si carro leh uga soo baxay.

Si kastaba, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa doonayay inuu maanta khudbadiisa u danbeysa u jeediyo safiirada dalalka Caalamka ee jooga Nairobi, maadaama dhawaan doorasho uu dalkaasi galayo, isagana uu soo qaatay labadiisa mudo xileed uu Dastuurka dalkaasi siinayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More