Samiira Maxamed Cabdi oo sheegtay inay u tartamayso kursiga HOP135

April 04 (Jowhar.com) –Gabar ay walaalo yihiin allaha u naxariistee Aamina Maxamed Cabdi oo dhawaan lagu diley weerar ismiidaamin ah ayaa shaacisay inay u tartamayso kursigii ay walaasheed ku fadhiday.

Samiira Maxamed Cabdi ayaa qoraal kooban oo ay soo dhigtey boggeeda waxa ay ku sheegtay in u tartamayso kursiga Cadaalada.

Kursigan ayaa ah kursiga kaliya ee aan doorashadiisa weli ka dhicin magaalada Beledweyne oo kuraastii tiil la doortay,hase yeeshee lama oga xilliga la qaban doono iyo goobta ay ka dhici doonto qabashada doorashada kursigan.

Qoraalka ay Samiira soo dhigtey barteeda ayaa u qornaa sidan;
Kursiga Cadaalada

Assalama alaykum Wallaalayaal waxaan ahay musharax u daagan Kursigii Cadaalada Hop#135 magaceygu waa Samiira Mohamed Abdi,

Arrinta ugu weyn ee igu dhiiragelisay u tartamida kursigaan waxa ay tahay baahida ay dhallinyarada u qabaan matalaad dhab ah iyo in looga shaqeeyo si cadaalad ah,Wallalayaal kursigaan Waxuu noqan doona kursi katilmaaman Golaha shacabka sida uu horayba u ahaa mid katilmaaman Barlamaanka cadaaladdane looga hiiliyo.

Wallaalayaal kursigaan Hope135 Waxaa ka geeriyootay Allaha ha unaxariistee Walaashey Geesiyad Xildhibaanad Aamina Mohamed Mohamed Abdi,Amina Waxey ahayd qof qadiyada Somaalinimada kuweyntahay,qof kasta oo dulmana uhiiliso cadaaladna uraadiso, Abayo sida geesinimada iyo Dadnimada leh ee ay uga hiilin jirtay dulmanayaasha ayaan anne uga hiilin doona,Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii ay cadaalad uheli lahaayeen Walaashey Aamina Mohamed Abdi iyo Walaashey Ikraan Tahliil faarah.

Waxaan ka codsanayaa bulshada iska leh Hope135 iney siyaan iguna sharfaan Kursigaan,waxaan idiinku adeegi doona sidaacadnimo ah,kalsoonina kujirto.Waxaan aaminsanahay saaxiibadii Siyaasadeed, kuwii shaqadda Ee walaashey Aamina AUN iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed inaan ka heli doono garab-istaag buuxa.sidokale waxaan ka codsanayaa madaxweynaha Hirshabelle iyo madaxweyne ku-xigeenka iyo Gu.Barlamaanka iney iyaguna garab buuxa igu siyaan kursiga Hop135 si aan cadaalad uga raadiyo Walaashey Aamina mohamed Abdi Dadkeygane aan uga adeego,si karti iyo dadnimo leh.

W/Q: Samiira Mohamed Abdi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More