Saraakiil Itoobiyaan ah oo wata ciidan aan ATMIS ka tirsaneyn oo soo gaaray Soomaaliya

Saraakiil Itoobiyaan ah oo wata ciidan aan ATMIS ka tirsaneyn oo soo gaaray Soomaaliya

Mar. 10 (Jowhar.com)-Magaalada Dooloow ee gobolka Gedo waxaa saacadihii la soo dhaafay gaaray ciidan cusub oo Itoobiyaan ah, kiwaasoo aan ka tirsaneyn howlgalka ATMIS ee ka socda dalkan.

Ciidankan oo ay wataan Madaxa hawlgalinta ciidanka militariga Dowladda Itoobiya General Tasfaye Ayalew iyo taliyaha guud ee ciidanka xooga gaarka ee Dowlad Deegaanka soomaalida iyo Sarakiil kale oo ka socotay dowladda Itoobiya ayaa fariisimo cusub ka sameystay aagga garoonka diyaaradaha ee magaalada.

Wafdigan ka socda dowladda Itoobiya waxaa soo dhaweeyay Saraakiisha Ciidamada, Guddoomiyaha Degmada Doolow Maxamed Xuseen Cabdi lafeey iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa tilmaamaya in saraakiishan ay u yimaadeen sidii loo bilaabi lahaa howlgal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo deegaano kamid ah Gedo wali ku sugan, loona adkeyn lahaa amniga xadka Gedo ee Itoobiya

Sidoo kale waxaa socda qorshe lagu doonayo in ciidankan aan ka tirsaneyn howlgalka ATMIS ee Itoobiyaanka ah lagu geynayo degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More