Saraakiil loo xiray weerarkii Gaalkacyo ee wasiirka Arrimaha dibadda iyo Nabadoon Yaasiin.

June 27 (Jowhar.com)-Xildhibaannada Puntland ayaa su’aalo ku saabsan Arrimaha Amniga weydiiyay mas’uuliyiinta amniga Puntland, iyadoo warbixin looga dhageystay xaaladda guud ee amaanka gobolada maamulkaas.

Wasiirka Amniga Puntland, ku-xigeenkiisa iyo Taliska Ciidamada oo Golaha Wakiillada hor tegey ayaa sheegey in magaalada Laascaanood siyaasad ahaan loogu soo celin la’ yahay gacanta Puntland; iyaga oo siyaasiyiinta gobolka Sool ku eedeeyey iin aysan ka go’nayn oo aysan qorshe siyaasadeed ka lahayn gobolka.

Mas’uuliyiinta Amniga Puntland oo kulan warbaahinta laga saaray xildhibaannadu su’aalo ku weydiiyeen ayaa dhinaca kale sheegey in dhacdadii Gaalkacayo ee lagu dhaawacay Nabadoon Yaasiin Cabdisamad loo xirey saraakiil dowladeed.

Wasiirka waxa Kulanka ku wehelinayay labadiisa ku xigeen, Taliyaha Booliiska Gen. Maxamed Cali Xaashi, Taliyaha Daraawiishta Gen. Yaasiin Cumar Yuusuf iyo Agaasime ku xigeenka hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda PISA Maxamed Caseyr.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More