Saraakiisha ATMIS iyo kuwa Soomaalida oo shir ka dhan ah Ahlu-Suna ku yeeshay Dhuusa-Mareeb

May 11 (Jowhar.com)-  Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan saacado badan qaatay oo magaalada Dhuusa-Mareeb ku dhexmaray saraakiisha ciidamadda dowladda, kuwa Galmudug iyo taliska ciidanka ATMIS ee deegaanada Galmudug.

Sida wararku sheegayaan, kulanka waxaa gudoominayay Taliyaha Sectorka 4-aad ee Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS Col. Xasan Jaamac oo maanta gaaray caasimadda Galmudug, waxaana saraakiisha goob jooga ka eheyd kamida Taliyaha Qaybta 21-aad General Cabdi Jaamac Cigaal, Taliyaha Howlgalinta GorGor Maxamed Dhagawayne iyo Saraakiisha kale ee Ciidanka GorGor.

Wararka hordhaca ah ee la hekaya ayaa sheegaya in kulankan intiisa badan diirada lagu saaray xaqiijinta amniga Dhuusa-Mareeb iyo sidii loo bilaabi lahaa holwgalo joogta ah oo lagu baarayo xaafadaha magaalada, iyadoo laga cabsi qabo weerar dhinacyo kala duwan leh oo magaalada lagu soo qaado.

Saraakiishan ayaa isku raacday in cabsida ugu weyn ay tahay weerar ka yimaada dhanka kooxda Ahlu-Suna ee ku sugan deegaanka Bohol, halkaasoo maalmihii la soo dhaafay ay ka wadeen hub uruursi iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan, iyadoo digniin kama dnabeys ah loo diray hoggaanka kooxda Ahlu-Suna.

Taliyaha Sectorka 4-aad ee Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa ku dhawaaqey in aysan gacmaha ka laaban doonin Ciidankooda Dhuusamareeb jooga xoogaga Ahlusunna ee qorsheynaya in ay Dhuusamareeb soo weeraraan.

Si kastaba, Ciidamada Ahlu Sunna ayaa dhawaan dagaal dhiig ku daatay oo socday muddo ku dhow 10 Maalin looga saaray Magaalada Guriceel,  waxayna wixii markaas ka dambeeyey saldhig ka dhigteen deegaanka Bohol oo ay isugu geeyeen dhammaan ciidankii daacadda u ahaa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More