Sarkaal ka tirsan wasaarada Maaliyadda oo lagu dilay magaalada Muqdisho.

Mar 9 (Jowhar.com)- Koox bistoolado ku hubeysan ayaa barqanimadii maanta dil ka geysatay degmada Waaberi ee bartamaha magaalada Muqdisho, iyadoo weerarkan kadibna goobta isaga baxsatay.

Dilka oo si gaar ah uga dhacay xaafadda Laabeeriya ayaa loo geystay Cali Xaaji oo ka tirsanaa qaybta Canshuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda, waxaana xiliga la tooganayay uu ku sugnaa maqaaxi laga shaaxo.

Ciidamada booliska saldhigga Waaberi oo daqiiqado kadib toogashada tagay goobta uu falkan ka dhacay ayaa qaaday meydka marxuumka, waxaana la geeyay xarunta C.I.D, halkaasoo sawirran looga qaaday si baaris dheeri ah loo sameeyo.

Ciidamada amaanka oo sameeyay baaritaano ku aadan soo qabashada danbiilayaasha ayaa ku guul dareystay, iyagoo aan wax war ah ka soo saarin sida dharaar cad toogasho looga geystay aagaasi oo ku dhaw baro ciidamada ay wax ku baaraan.

Si kastaba, Dilkan ayaa qayb ka noqonayo falal ammaan darri oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey magaalada Muqdisho oo laga dareemayo mashquul ku aadan doorashooyinka dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More