Ceelashii biyaha ee degmada Aadan Yabaal oo dib loo howl galiyay.

Dec. 10 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh.Dhexe ayaa sheegaya in maamulka Hirshabelle uu dib u howlgaliyay labadii Ceel biyood ee ku tiilay degmadaasi  kuwaasoo Shabaab ay ka furteen labadii Bam ee Ceelashaasi Biyaha dibadda uga soo saarayay.

Arrintan ayaa timid kadib markii Hirshabelle ay dib u dayactir ku sameysay ceelashaasi oo waxaa halkaasi la geeyay laba bam cusub, iyadoo shacabka magaalada ay arrintaasi si weyn u soo dhaweeyeen.

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay shacabka dhinac walba ka cunaqabateysay, isagoo ku goodiyay inuu sii socon doono dagaalka kooxdaasi ku foorara.

“Waxaan soo marnay deegaano badan ama Hiiraan ha ahaadaan ama Shabellaha Dhexe, lama arag meel iskuul ku yaalo, ma aragteen meel iskuul ku yaalo oo arday buugaag wadato ay joogto, meel dugsi Quraan loo socdo ma aragteen, meel caafimaad ma aragteen haba yaraatee? Intaas waa loo diiday. Caafimaadkiiyaa dadka loo diiday, waxbarashadiiyaa loo diiday, xitaa Quraankii ayaa loo diiday inay dhigtaan, war ma diinaa waxaasu in la yiraahdo canugan Quraan dhigan mayo? Waa in qarax lagu xiraa ama uu dagaalka galaa ayay yiraahdeen, hadduu canuga 12 sano gaaro. Runtii wax laga xumaado waaye.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa 6-dii bishan Ceelashaasi labadii Bam uu ku shaqeynayay ka saartay, taasoo sabab looga dhigay iney damacsanaayeen iney haraad uu Aadan Yabaal ku qabto ciidamadda isbaheysanayay ee magaaladaasi qabsaday.

Kooxda Shabaab ayaa sidan oo kale hore u burburisay buundadii Buula-barde, walow markii danbe maalmo yar gudeheed si deg deg ah dib loogu dayactiray, iyadoo arrintaasi ay fariin u tahay inaan wax saameyn ah shacabka ku yeelaneynin dhibaatooyinka kooxdaasi.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More