Toogasho ka dhacday Beledxaawo iyo Dadweyne careysan oo gubay xarunta degmada.

July 07 (Jowhar.com)-Wararka ka imanaya drgmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in dadweyne careysan ay Dab xooggan qabadsiiyeen xaruntii ay ku shaqeynayeen maamulka deada, iyagoo sidoo kale gubay gawaari taalay gudaha xarunta.

Talaabadan ayaa timid kadib markii ciidamada Nabad Sugida ay xir xireen qaar kamid ah dhalinyaradii degmada, kuwaasoo qaarkood la soo wariyay in jirdil xooggan loo geystay, iyadoo arrimahan ay keentay in shacabka magaalada ay banaanbax xoogga oo rabshada wata sameeyaan.

Dadka dibadbaxa dhigayay ayaa sidoo kale Taayaro ku gubay wadooyinka magaalada, waxaana hakad galay isu socodka gaadiidka iyo goobaha ganacsi, banaanbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah ciidamadda Nabad Sugida ee magaalada.

Wararkii u danbeeyay ee Belesxaawo naga soo gaaraya ayaa sheegaya in ciidamadda amaanka ay rasaas nool nool ku kala eryeen banaannaxayaasha, waxaa jira ilaa 3 qof oo ku dhaawacmay rasaasta, taasoo keentay iney kala cararaan dadweynihii careysnaa.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in xaaladda ay wali tahay mid kacsan, waxaana jira dhalinyaro badan oo ay xabsiyada dhigeen laamaha amaanka, iyadoo Odayaasha deegaanka ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan sidii ay xal uga gaari lahaayeen xiisadan oo laga cabsi qbao in dagaal toosa ay isu bedesho.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More