Xasan Sheekh oo booqday askartii loo qaaday dalka Eritrea.

July 10 (Jowhar.com)-Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu wehliyay Madaxweynaha Eritrea ayaa maanta kormeeray xerada ay ku jiraan ciidamadii dalkaas lagu tababarayay muddo saddex sano ah, waxaana ciidankan ay soo bandhigeen dhoolatus.

Si kastaba, Maalintii xilka lagu wareejiyay madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ballan qaaday in dalka dib ugu soo celin doono ciidamo Soomaali ah oo tababar ku qaadanayay dalka Eritrea.

Waxyaabaha uu ballan-qaaday madaxweyne Xasan Sheekh intii aan la dooran waxaa ku jira arrinta dhallinyarada la sheegay in tababar ciidan loo geeyay dalka Eritrea. Dowladdii hore wuxuu ku dhaliilay qaabka ay u maamushay kiiska dhallinyaradaas.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More