Senatar dhawaan la doortay oo iska casiley Aqalka sare

Yuusuf Geelle Ugaas Dhagey) ayaa ka tanaasulay Kursiga Senatarnimo ee Aqalka Sare oo bishii 12-kii Agosto ee sanadkan dib loogu doortay

Qoraal uu u diray Madaxweynaha Galmudug iyo Guddoonka Baarlamaanka ayuu ku caddeeyay sababta uu kursiga uga tanaasulay oo ah inuu doonayo in reerka uu ku matalo Baarlamaanka uu ka dhex abuuro siyaasad caafimaad qabta.

Senatar Dhagey ayaa hoos aaday, gaar ahaan Aqalka Hoose oo uu u tartami doono Kursiga nambarkiisa yahay #HOP026 oo ay ku fadhisay Ikraan Absuge.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More