Seynab Xaabsey oo ka hadashay khasaraha ka soo gaaray qarixii ka dhacay Muqdisho

May 11 (Jowhar.com)- Gudoomiyaha degmada Warta-Nabada ee gobolka Banaadir ayaa ka hadashay qarixii xoogganaa ee barqanimadii maanta ka dhacay nawaaxiga isgoyska KM4, gaar ahaan Kontrolka laga ilaaliyo garoonka diyaaradaha Adan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Qaraxaasi oo uu fuliyay ruux isku soo xiray jaakad ay ka buuxeen walxaha qarxa ayaa sababay dhimashada dad ka badan 5 ruux, kuwaasoo isugu jiray askar iyo dad shacab ah, iyadoo jugta qaraxa laga maqlay demooyin badan oo kamid ah goblkan Banaadir.

Zeynab Xaabsey oo ah gudoomiyaha degmada Warta-Nabada ayaa ka hadashay qaraxa, iyadoo sheegtay in xiliga uu weerarkan dhacayay ay ku sugneyd kontrolka, waxeyna tilmaamtay in askartii la socotay uu dhimasho iyo dhaawac ka soo gaaray weerarkan, iyadoo ka gaabsatay iney sheegtay tirada rasmiga ah ee ka geeriyootay ama dhaawacantay.

“Alhamdulilah ilaahey ha unaxariisto askarteeni inta dhawacana allaha noo caafiyo waa nabad qabnaa Alhamdulilah,” ayey tiri guddoomiyamaha degmada Warta Nabadda, iyadoo xarumaha caafimaadka ee Muqdisho lagu dabiibayo askarta weerarkan uga dhaawacantay.

Si akstaba, Zeynab Xaabsey ayaa horay waxaa waxyeelo xoogan uga soo gaartay weerarkii is-miidaaminta ee ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ee lagu dilay duqii Muqdisho ENG. Yariisow, wuxuuna qaraxan ku so beegmayaa xili manata ay socoto hadal jeedinta musharixiinta u taagan xilka madaxtinimo ee Soomaaliya, waxaana doorashada loo balansan yahay 15-ka bishan oo ku beegan Axada soo socota.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More