Shabaab oo Muqdisho ku dishay kudhowaad 10 ruux oo Ciyaal Weero iyo kuwa Maandooriyaha iibiya ah

Ciidamadda dowladda iyo rag hubeysan oo ku dagaalamay magaalada Muqdisho

Mar. 01 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa laba weerar xalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo lagu dilay dad isugu jiray burcad dadka dhacda, kuwa maan dooriyaha iibiya iyo kooxaha Ciyaal weerada magaalada.

Weeraradan oo ahaa kuwo qorsheysan waxa ay ka kala dhaceen xaafado ka tirsan degmooyinka Yaaqshid iyo Heliwaa, waxaana weeraadaasi oo lagu dilay kudhowaad 10 ruux sheegatay kooxa Al-Shabaab.

Sida kooxdu sheegatay, weerarka koowaad oo ay ka fulisay goob lagu isticmaalayay maan dooriyaha oo ku taala Xaafada Cali Turcaaye ee degmada Heliwaa, ayey ku dishay afar ruux oo ay sheegeen iney isugu jireen burcad,  Ciyaal weero iyo kuwa iibinaayay maan dooriyaha.

Weerarka labaad ayaa isaguna ka dhacay Xaafada Godey ee degmada Yaaqshiid, waxeyna Shabaab ku dileen sadax ruux oo kale oo ay ku sheegeen iney ahayeen Ciyaal weero iyo burcad dadka dhac u geysaneysay.

Majirto wax war ah oo weeraradan ay ka soo saareen laamaha amaanka ee dowladda Soomaaliya kasoo saareen weeraradan ka dhacay magaalada Muqdisho ee Shabaab geysatay, waana weerarkii saddexaad oo noocan ah oo ay kooxda fuliso.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More