Shariif Sheekh Axmed iyo Safiirka Talyaaniga oo ka wada hadlay doorashada iyo Amniga

Mar 29 (Jowhar.com) –Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Talyaaniga Danjire Alberto Vecchi,iyagoo iska wareystay xaalka uu haatan dalka marayo.

Qoraal lagu daabacay boga Facebook ee Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu sheegay in kulankan diirada lagu saaray saddex qodob oo kala ah;

1 Xaaladda Amniga dalka
2 Dedajinta doorashooyinka
3 Xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Madaxweynihii 7-aad ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa Danjire Alberto Vecch iyo dowladiisa Talyaaniga uga mahad celiyay kaalintooda ku aadan dib u dhiska iyo soo kabashada Soomaaliya.

“Waxaa maanta xafiiska igu soo booqday Safiirka dowladda Talyaaniga Danjire Alberto Vecchi, waxaan ka wada hadalnay marxaladda uu dalka ku jiro, Waxaan uga mahad celiyay kaalinta dowladda Talyaaniga ka qaadanayso dib u dhiska iyo soo kabashada Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka Shariif Sheekh Axmed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More