Shariif Sheekh Axmed oo Farmaajo uga digay khalkhal gelinta doorashada.

April 05 (Jowhar.com)- Madaxweynihii 7-aad ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay qoraalkii xalay ka soo baxay NISA ee lagu sheegay in khatar ay ku jirto amniga madaxweynaha iyo kan ra’iisul wasaraaha, iyadoo NISA shaacissy magaca shaqsi Shabaab u xil saarteen dilka Farmaajo iyo Rooble.

Shariifka oo musharax madaxweyne ah ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in warkii NISA uu cadeyn u yahay tuhunka la xiriira inuu xiriir ka dhexeeyo Shabaab iyo hay’adaha amniga oo ay isku milmeen.

“Waa ayaan darro aad uweyn in hey’adii loo igmadey Amniga Qaranka dalka in ay dacaayad u sameeyneyso kooxaha argagixisada hormuudna u noqotey cabsigelinta madaxda qaranka, waxay calaamad weyn u tahay digniino muddo la bixinaynay oo ah isku milanka hay’adda Nabadsugidda qaranka iyo kooxda Argagixisada taasoo ka dhalatay siyaasadeynta qaybaha kala duwan ee ciidanka amniga Qaran” ayuu yiri Shariifka.

Ra’iisul wasaare Rooble ayuu ugu baaqay in intan wixii ka danbeeya aanu gacmaha iska laaban oo uu talaabo deg deg u qaado sidii uu uga hortagi lagaa carqaladeynta amniga dalka ee ka imaneysa dhanka madaxtooyada.

“Sidaas daraadeed axaan ugu baaqayaa Raysul Wasaaraha JFS iyo Golahiisa wasiiradda in ay qaataan masuuliyadooda ku aadan arrimaha Amniga Dalka kana hortagaan wax kasta oo khalkhal gelin kara amniga Madaxda iyo Shacabka Soomaaliyeed” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Shariif Sheekh Axmed oo bilihii la soo dhaafay ka meer meerayay inuu weerar toos ah ku qaado madaxweyne Farmaajo ayaa markan u bareeyay, isagoo uga digay cawaaqibka ka dhalan jara khal khal gelinta uu ku hayo doorashooyinka dalka.

“Waxaa nasiib daro weyn ah in digniinta hay’adda NISA lagusoo beegay xilli ay habsami u socoto shahaadasiinta xildhibaanada barlamaanka 11 iyo dhaarinta xildhibaanada oo loo madlanyahay 14 bishan, sidaas darteed waxaan uga digayaa Mdaxweynaha JFS iyo hay’adaha amniga ee hoos yimaada wax waliba oo khalkhal gelinkara geedisocodka doorashada dalka” ayuu hadalkiisa ku soo xiray.

Si kastaba, NISA ayaa haatan la kulmeysa dhaleeceyn xooggan oo ka dhalatay qoraalkii yaabka lahaa ee xalay soo saartay oo ay ku sheegtay in shaqsi Shabaab ah oo lagu magacaabo Maxamed Maahir uu mas’uul ka yahay shirqool lagu dilayo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, dadka badi waxey qabaan in NISA howshan ay iyada kaliya wadato.

Iyadoo rrintaan ay kusoo beegantay xili siyaasaddaha Soomaaliya iyo arrimaha doorashada ay marayaan heerkii ugu cuslaa ee khilaafka hareeyay doorashooyinka.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More