Sheekh Aadan Madoobe oo iska casilay xubinimada xisbiga Himilo Qaran

April 19 (Jowhar.com) Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo doonaya inuu u tartamo xilka gudoomiyaha golaha shacabka ayaa maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay Xisbiga siyaasadeed ee Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed.

Mr. Madoobe oo shir jaraa’id u qabtay bahda warfidiyeenka ayaa sheegay in sababta uu isu casilaya ay tahay qodob Dastuuri ah, kaasoo dhigaya in qof kasta oo doonaya inuu xilkaasi u tartamo uu soo baneeyo xilalka iyo xubinimada xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira.

“Shirkeyga jaraa’id maanta wuxuu ku saabsan yahay inaan u caddeeyo Ummadda Soomaaliyeed sida uu qabo Dastuurka Qaranka ee KMG ah qodobkiisa 65-aad, farqaddiisa 3-aad oo na fareyso qof kasta oo u tartamaayo guddoonka Golaha Shacabka, mise guud ahaan baarlamaanka Soomaaliyeed inuu iska casilo xil kasta oo uu u hayey xisbi siyaasadeed, sidaas daraadeed waxaan u caddeynayaa Ummadda Soomaaliyeed inaan iska casilay xilkii aan ka haayey Xisbiga Himilo Qaran,” ayuu yiri Sheekha.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo hore u soo qabtay xilka gudoomiyaja golana shacabka ayaa musharixiinta madaxweyne ugu laab qaboojiyay inuu u cadaalad fali doono haduu xilkan ku guuleysto, wuxuuna meesha ka saaray tuhunka ah inuu u eexdo shariifka oo ay saaxiibo hore iyo shirko siyaasadeed ay ahaayeen.

“Haddii Ilaahey igu guuleeyo waxaa noqon doonaa Oday Soomaaliyeed oo u siman dhammaan garabyada siyaasadeed ee dalka, cadaaladda iyo sinaana aan ku maamuli doono,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe.

Talaabada uu qaaday Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku soo beegantay xili maanta ay bilaabatay diiwaan gelinta musharixiinta u taagan xilalka gudoonka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo doorashadeeda lakala qabanayo 26-ka iyo 27-ka bishan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More