Shir ay iska kaashadeen Jaamacadaha Simad iyo Jamhuuriya oo lagu qabtay Muqdisho.

Oct. 28 (Jowhar.com) -Shirka cilmi baarista injineeriyadda, seyniska iyo tiknolojiyadda oo ay iska kaashadeen Jaamacadaha Simad iyo Jamhuuriya oo sannadkii 6-aad ay wada qabteen ayaa maanta lagu soo gababeeyay Mogadishu.

Shirka ayaa waxaa uu sanadkan halku dhiggiisu ahaa in xal waara loo helo ka jawaabidda isbedelka cimillada. Shirkan waxaa ka hadlay lix khubaro oo ku xeeldheer arrimaha isbedelka cimillada iyadoo sidoo kale lagu soo bandhigay 36 daraasadood iyo labo dood cilmiyeed, waxaana  ka soo qeyb galay in ka badan 200 oo qof.

Shirkan ayaa furitaankiisa lagu soo bandhigay cilmibaarisyo kala duwan, dood cilmiyeedyo taabanayay arrimaha isbedelka cimillada iyo gaar ahaan daraasado ku saabsan seyniska, engineeriyada iyo tiknolojiyadda.

Guddoomiyaha shirka CEST Eng. Maxamed Cabdullahi Cali ahna Hormuudka kulliyadda Kombuyuutarka iyo IT da Jaamacadda Jamhuuriya ayaa kusoo dhoweeyay ka soo qeybgalayaasha shirka 6-aad ee CEST una mahadceliyay martida iyo taabageliyeyaasha shirka oo ahaa Hormuud iyo Salaam Bank.

Guddoomiyaha Jaamacadda Simad Ustaad Dr Daahir Xasan Cabdi oo hadal ka jeediyay furitaanka ayaa sheegay in muhiimad gaar ah uu leeyahay mowdhuuca sanadkan oo khatar weyn ku haya dalkeenna. Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay ka go’antahay in xoogga la saaro cilmibaarista si kor loogu qaado aqoonta da’yarta.

Madaxweyne Ku xigeenka Jaamacadda Jamhuuriya Eng. Cabdirisaaq Warsame Cabdulle oo asagana hadal ka jeediyay shirka ayaa xusay kaalinta weyn ee ay cilmi baaristu ka qaadan karto hormarinta bulshada.

“Adkeysi badan kadib meesha laga soo billaabay shirkan iyo halka uu maanta marayo farqi weyn ayaa u dhaxeeya, ammaan iyo bogaadin ayay mudanyihiin maamulka labada jaamacadood, oo wakhti, lacag iyo dadaal ba geliyay. Waxaan gaarnay in cilmi baarisyadeenna ay heelaan daabacaad caalami ah”
“Waxyaabaha ugu badan ee Soomaaliya laga qoro dad kale ayaa naga qora taas waa in aan soo xirno.” Ayuu sii raaciyay Madaxweyne Ku xigeenka Jaamacadda Jamhuuriya.

Guddoomiyaha Midowga Jaamacadaha ahna Guddoomiyaha Jaamacadda Benaadir  Maxamed Maxamuud Bidey ayaa ku boorriyay labada jaamacadood in barnaamijyada cilmibaarista hoos loo sii daadejiyo oo waxbarashada hoose lagu soo daro

Waxaa uu sidoo kale xusay in ay muhiim tahay in laga hadlo isbedelka cimillada oo dalkeenna aad u sameeyay sanadihii u dambeeyay.

“Isbedelka Cimillada dhib weyn ayuu ku hayaa dalkeenna. Xaaladdeenna marna abaarta ah marna fatahaadda ah in laga salgaaro ayaa loo baahanyahay sidaasi darteed halku dhigga sanadkan aad ayuu muhiim u yahay” ayuu yiri Guddoomiyaha

Martida ka soo qeybgashay waxaa kale oo ka mid ahaa cilmi baare sare Ibrahim Faarax Bursaliid oo bogaadiyay sare u qaadista cilmi baarista isagoo ku tilmaamay in dalkeenna aad uu ugu baahanyahay.

Qaar kamid ah macallimiinta iyo ardeyda Jaamacadaha Jamhuuriya iyo Simad oo halkaa ka jeediyay daraasado kala duwan  ayaa la guddoonsiiyay abaalmarinno. Sidoo kale khubaradii kaga qeyb gashay shirka daarasad cilmiyeedyada ku saabsan isbedelka cimillada ayaa lagu maamuusay billado sharafeed.

Ugu dambeyn, waxaa heshiis ku saabsan wadashaqeynta cilmibaarisyada kala saxiixday Jaamacadaha Zamzam, Jamhuuriya iyo Simad. Waxaana si rasmi ah shirarka cilmi baariseed ay wada qabanjireen jamaacadaha Jamhuuriya iyo Simad kusoo biirtay Jaamacadda Zamzam

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More