Shirka Maamul Goboleedyada ay ku yeelan lahaayeen Garowe oo dib u dhacay

Wararka ka imaanay magaalada Garowe ee xarunta maamul-goboleedka Puntland ayaa sheegaya in uu baaqday shir wada-tashi ah oo madaxweyneyaasha maamul-goboleedyada ay u ballansanaayeen in magaaladaasi uu uga furmo maalinta berri ah oo taariikhdu ku beegan tahay 21-ka Sebteembar.

Shirkaasi ayay madaxweyneyaasha maamul-goboleedyadu kaga arrinsadaan lahaayeen dardargelinta qabsoomiddda doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladda dalka, kaddib khilaaf xooggan oo soo kala dhex galay madaxweynaha iyo ra’iisalwasaaraha Soomaaliya.

Shirkan ayaa baaqday kadib markii madaxweynaha Galmudug uu sidaasi dalbaday.
Shirkani oo 17-kii bishan lagu shaaciyay warsaxaafadeed ka soo baxay shir aaladda Zoom ay ku yeesheen madaxda maamul-goboleedyada ayaa waxaa laga reebay ra’iisalwasaare Maxamed Xuseen Rooble, arrintaasi oo dad badan ay la xiriirinayeen go’aan ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya oo awooddiisa fulinta looga xayuubiyay ra’iisalwasaare Rooble.

Warka ayaa waxa yy sheegeyaa in wadahadal dhex maray madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor iyo Ra’iisalwasaare Rooble kaddib, uu Qoor-Qoor ka codsaday dhiggiisa Puntland in shirkaasi la hakiyo.

Ilaa haatan lama oga waxa rasmiyan ka soo baxay kulanka Qoor-Qoor iyo ra’iisalwasaare Rooble, haseyeeshee kulankaasi ayaa horseeday in la baajiyo shirkii madaxweyneyaasha maamul-goboleedyada ay uga arrinsan lahaayeen doorashooyinka dalka iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ka mid ahaa shakhsiyaadkii isku xilqaamay xalinta khilaafka u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisulwasaare Rooble, haseyeeshee waxaa jirtay aragtiyo ay qabeen siyaasiinta mucaardka ahi iyo dad ka ag dhow xafiiska ra’iisalwasaaraha oo madaxweyne Qoor-Qoor u arkayay in uu aad ugu dhow yahay madaxweyne Farmaajo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More