Shirkadda Facebook oo xirtey Akaawnada xiriirka la leh Dowlada Uganda

Shirkadda Facebook ayaa xirtey dhammaan akaawnada xiriirka la leh dowlada Uganda maalmo yar kahor doorashada Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Uganda.

Facebook ayaa ku macneysay sababaha ay u xirtey akaawnada inay tahay been abuur Wasaarada Warfaafinta Uganda ay ku sameysay akaawno badan oo ay u isticmaalayso ololeynta madaxweyne Musaveni oo markale doonaya inuu noqdo Madaxweynaha dalka Uganda.

35 sano oo uu xilka hayo Yoweri Museveni oo 76 sano jir ah ayaa waxaa si weyn ula tartamaya Bobi Wine oo ah 38 sano jir soo jiitey dhalinyaro badan.

Bobi Wine ayaa hore dhowr jeer loo xirey waxana uu ku caan baxay heesaha wadaniga ah.
Ololaha doorashada ayaa laga mamnuucay magaalada Kampala iyo magaalooyin kale sababo la xiriira cudurka Covid 19 balse mucaaradka ayaa sheegay in arrimo siyaasadeed ay ka dambeyso.

Baraha Bulshada ayaa noqday halka ugu muhiimsan ee ololaha doorashada dalka Uganda oo heerkii ugu kululaa haatan uu marayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More