Shirweyne ku saabsan Maareynta Hubka iyo Walxaha Qarxo oo ka furmay Muqdisho

May 07 (Jowhar.com)- Wasiir kuxigeenka Wsaaradda Gaashaandhigga XFS C/fitaax Qaasim ayaa manta magaalada Muqdisho wuxuu ka furay Shirweyne ku saabsan Maareynta Hubka, Rasaasta, iyo Walxaha Qarxo,kaas oo socon doono muddo labo maalin ah.

Shirkaan waxaa ka qayb galaya mas’uulyiin ka socda dowladda federaalka, dowlad goboledyada iyo xubno ka socda beesha Caalamka.

Waa shirkii uga weynaa ee la qabto tan iyo intii Soomaaliya laga qaaday Cuna-qabateynta hubka horaantii bishii December 2023kii.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More