Ra’iisul wasaare Xamze oo Nairobi kula kulmay madaxweyne kuxigeenka dalka Kenya

May 07 (Jowhar.com)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamze Cabdi Barre, ayaa magaalada Nairobi waxa uu kulan gaar ah kula yeeshay madaxwayne ku xigeenka Kenya, Rigathi Gachagua.

Sida wararku tilmaamayaan, waxay kawada hadleen adkeynta xiriirka iyo wadashaqeynta laba dal, sidda uu sheegay xafiiska wasiirka koowaad.

Shirkan ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli shalay lagu soo gabagabeeyay Nairobi shir dhexmaray wasiiro kala matalaya labada dal kuwaas oo kala saxiixdey heshiisyo ku saabsan dhinacyadda ganacsiga, ammaanka iyo waxbarashadda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More