Somaliland oo sii deysay milkiikaha MMTV Maxamed Ilig iyo madaxii wararka HCTV.

July 02 (Jowhar.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga magaalada Hargeysa ka sii deysay laba suxufi oo u xirnaa mudo saddex bilood ah, iyadoo dadaalada sii deyntooda ay socotay maalmihii la soo dhaafay.

Labada Suxufi ee la sii daayay oo kala ah mulkiilaha Telefiishanka MMTV Maxamed Cabdi Sheekh ( Ilig) iyo madaxii wararka Telefiishanka HCTV Cabdijibaar Maxamed Xuseen ayaa u xirnaa kadib markii ay si toos ah u soo tabiyeen shaqaaqo dhawaan ka dhex dhacday gudaha xabsi ku yaala Hargeysa oo u dhexeyeyay maxaabiista iyo ciidankii ilaalinayay.

Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa 23-kii May 2022 min hal sanno iyo afar bilood oo xabsi ah ku xukuntay Wariyeyaasha kala ah Maxamed Ilig iyo Cabdijibaar Maxamed, walow maanta ay dib u heleen xiriyadooda, waxaana jiray cadaadisyo ka imanayay beesha caalamka oo ku aadan in Muuse Biixi maamulkiisa uu joojiyo caburinta suxufiyiinta.

Si kastaba, Wariye/Samafale Cabdi Maalik Muuse Coldoon ayaa wali ku jira xabsi,kaasoo isla maalintaas lagu xukumay laba sanno oo xabsi ah iyo saddex Milyan oo lacagta Somaliland ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More