Somaliland oo war kasoo saartay walaaca Mareykanka ee dagaalka Laascaanood

Apr. 01 (Jowhar.com)-Maamulka Somaliland ayaa war kasoo saartay fariintii walaaca iyo hanjabaada xanbaarsaneyd ee shalay kasoo baxday dowladda Mareykanka oo looga hadlayay xaaladda magaalada Laascaanood.

War saxaafafdeed kasoo baxay wasaarada arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay iney dhankooda diyaar u yihiin in wadahadal lagu dhameeyo colaada gobolka Sool, waxa ay sii socoshada dagaalka ku eedeeyeen Isimada SSC.

Qoraalka waxa sidoo kale lagu sheegay in dagaalka uu ka bilowday dilka sarkaal ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Wadani, waxa ay sheegteen in dhankooda ay ciidanka ka saareen magaalada oo ay ku dhawaaqeen xabad joojin hal dhinac ah balse dhanka kale uu iska diiday arrimahaasi.

Somaliland ayaa Mareykanka ka dalbatay iney Puntland ku qanciyaan iney ciidankooda kala baxaan magaalada Laascaanood, si jawi lagu wadi hadli karo uu u furmo, waxa ay mar kale ku celiyeen iney la dagaalamayaan ciidanka Puntland, argagixiso iyo kuwo ka socda dowladda Soomaaliya.

“Waxay sii wadeen qalalaase iyo faafin xog aan sax ahayn si ay uga sii daraan xaalada gobolka, ayna cagsi galiyaan madaxbannaanida Somaliland, 2 dii billood ee Lasoo dhaafay millateriga Somaliland wuxuu wajahayay weeraro joogta, isagoo is xakamaynayay” ayaa lagu yiri war-saxaafadeeda.

Si kastaba, warkan kasoo yeeray Somaliland ayaa kusoo beegmaya xili Mareykanka uu sheegay inuu talaabo ka qaadi doono kuwo masuulka ka ah dagaalka Laascaanood, isagoo dalbaday in wixii tabasha ah miiska wadahadalka lagu dhameeyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More