Soomaaligii ugu horeeyay oo ku biira baarlamaanka Finland oo looga digey isticmaalka Taksiyada

May 05 (Jowhar.com)–Xildhibaanka Isbaheysiga Bidixda ayaa qaatay safaro taksiyo ah oo ka badan kuwii loogu talogalay xildhibaanada, maadaama lagu amray inuusan raacin gaadiidka dadweynaha sababo amni awgeed.

Xildhibaan Suldaan Siciid Axmed oo ka tirsan Isbaheysiga Bidixda ayaa balan qaaday in uu Baarlamaanka u celin doono qarashka ku baxa safarrada Tagaasida ee aan si toos ah ula xiriirin shaqadiisa Xildhibaannimo.

Arrintu waxay soo shaac baxday markii wargeyska Iltalehti uu is barbar dhigay safarrada tagsiga ee ay xildhibaannadu ku maraan kaadhka tagsiga baarlamaanka muddadii u dhaxaysay September 2021 ilaa March ee sanadkan, isla markaana ay ogaadeen in isticmaalka xildhibaan Siciid Axmed uu yahay kii ugu sarreeyay.

Wargeysku waxa uu intaa ku daray in Barlamaanku ay ku amreen Siciid Axmed in uu Taxi u raaco sababo la xiriira amaankiisa.

Agaasimaha maamulka ee baarlamaanka Pertti Rauhio ayaa Yle u xaqiijiyay in Saciid Axmed lagu wargaliyay inuu isticmaalo tagaasida halkii uu isticmaali lahaa gaadiidka dadweynaha, isagoo intaa ku daray in tilmaamahan uu salka ku hayo warbixin amni oo uu soo saaray maamulka.

Rauhio oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in tani ay tahay tii ugu horeysay ee nooceeda ah oo xildhibaanka lagula taliyay inuusan raacin gaadiidka dadweynaha sababo dhinaca ammaanka ah.

Biilka tagsiga ee Siciid Axmed ee muddada u dhaxaysay Sebtembar 2021 ilaa March 2022 waxa uu ahaa ilaa 6,500 oo Yuuro, wadar ahaan 212 safar.

“Haddaan horay u socdo, aniga lafteyda ayaa bixin doona kharashka safarkayga tagaasida,” ayuu yiri Axmed ku qoray bartiisa Twitter-ka isagoo ka jawaabaya maqaalka Iltalehti.

Biilka tagsiga ugu sareeya ee ku xiga Saciid Axmed waxa uu ahaa Olli Immonen (Finlaans), kaas oo 86 socdaalkiisu ahaa wadar dhan 6,400 oo Yuuro.

“Intii lagu jiray xilligii Covid, baarlamaanku wuxuu ku amray xildhibaanada inay ka fogaadaan isticmaalka gaadiidka dadweynaha. Dhammaan safaradeyda tagaasidu waxay ahaayeen safar shaqo. Sharciga tagsigaygu wuxuu ka kooban yahay safar dheer oo aan ku tago magaalada Helsinki iyo safar aan ka soo guryo noqonayo garoonka Oulu,” Immonen ayaa u sheegay Yle News. .

Immonen iyo Said Ahmed waxay ku kharash gareeyeen in ka badan 1,500 oo Yuuro safarrada tagaasida, marka loo eego xildhibaanka saddexaad ee liiska ku jira, Markus Lohi oo ka tirsan xisbiga Centern.

Xildhibaanadu waxay xaq u leeyihiin inay isticmaalaan taksi si ay u gutaan waajibaadkooda – aragti ahaan iyada oo aan xaddidnayn – ilaa inta socdaalku ka dhacayo agagaarka magaalada Helsinki oo safarka uu ku kacayo wax ka yar 70 euro.

Meeshan ka baxsan, xildhibaanadu waxay isticmaali karaan safarrada taksiyada inta u dhaxaysa gurigooda iyo garoonka diyaaradaha, tareenada, ama saldhigga basaska ee ugu dhow haddii isku xirka gaadiidku xumaado.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More