Wasiirkii Ganacsiga Soomaaliya oo isu soo taagay xilka madaxtinimo ee Soomaaliya

Wasiirkii hore ee ganacsiga Soomaaliya Injineer C/llaahi CALI Xasan ayaa galabta uga dhawaaqay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho inuu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimo ee Soomaaliya 2022-2026, taasoo la filayo iney dhacdo bartmaha bishan May.

Injineer C/llaahi oo suxufiyiinta kula hadlay hoygiisa ayaa soo bandhigay sabahaha uu isugu soo taagay xilkan, isagoo 30-kii sano ee la soo dhaafay ku sugnaa gudaha dalka oo uu ka qabtay arrimaha waxbarashada, samafalka iyo dowlad dhiska dalka.

“Waxaan aaminsnaahay in dowladnimadu aysan aheyn mid loogu adeego danaha Koox ama shaqsi gaar ah, Dalka wuxuu u baahan yahay hoggaan amaana leh oo ku hagi kara cadaalad, waana taas Sababaha igu dhaliyay inaa xilkan madaxweyne isu soo taago anigoo og inuu yahay mid aad u culus” ayuu yiri musharaxa madaxweyne.

Injineer C/llaahi Cali Xasan oo 1-dii May 2019 ilaa 24-KII October, 2020 noqday Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Jamhuuiyadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa si dar dar leh ku wado ololaha uu ugu jiro ku guuleysiga xilka madaxweynaha Soomaaliya,  isagoo haatan kamid ah musharixiinta ugu saameynta badan ee ey bulshadu hadal hayaan.

Fursadaha uu heysto waxaa kamid ah inuu yahay qof sumacad, waaya aragnimo iyo galaangal badan ku dhex leh bulshada iyo xildhibaanada cusub, lehna aragti siyaasadeed oo la jaanqaadi karta xaaladdaha dalku uu kujiro & in loo arko qof isku wadi kara  Soomaalida dalka.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More