Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay dib u furida xadka iyo iskaashiga amniga.

Dec. 29 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta qaabilay Wasiirka Gaashaandhigga ee Kenya, Mudane Aadan Barre Ducaale, oo ay ka wada hadleen Iskaashiga Amniga iyo sidii dib loogu furi lahaa xuduudda labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Gaashaandhigga ayaa isla soo qaaday ahmiyadda ay leedahay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga xagga amniga, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta, oo dowladda Soomaaliya ay gaartay guulo waaweyn.

Waxaa sidoo kale ay ka wada hadleen qaabkii dib loogu furi lahaa xuduudda labada waddan ee deriska ah, si ay u sahlanaato isu socodka iyo ganacsiga labada dhinac ee Soomaaliya iyo Kenya.

Kenya ayaa qayb ka ah ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS oo Jubaland ku sugan, waxaana kulanka goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Dowlad gobolleedka Jubaland ayaa waxaa ka socda u diyaargarowga dagaal xooggan oo kooxaha Khawaarijta looga xoreynayo deegaannada ay weli ku dhibaateynayaan shacabka Soomaaliyeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More