Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis lagu dhisayo dhismo ballaaran oo Safaaradda Soomaaliya ay ku yeelanayso Ankara.

July 07 (Jowhar.com)-Siihayaha Xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Balal Maxamed Cusmaan.

Ayaa Magaalada Ankara kula saxiixday heshiis taageero deeqo gaar ah Wasiirka Deegaanka, Magaalaynta iyo Isbeddelka Cimilada, Mudane Murat Kurum, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Madaxweynayaasha labada dal Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Recep Tayyip Erdoğan.

Heshiiska ayaa waxa uu si mug leh u caddaynayaa in laga dhiso Magaalada Ankara ee Caasimadda Turkiga dhismo ballaaran oo qeybo kala duwan leh oo ka tarjumaya baahida Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya xiriir taariikhi ah iyo mid istiraatijiyadeed oo sal-adag oo leh heer siyaasadeed, dhaqaale, dhaqan, milatari iyo kuwo kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More