Swan iyo Xasan Sheekh oo ka wada hadlay sii wadista taageerada Qaramada Midoobe.

May 18 (Jowhar.com)- Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swana.

Kulanka oo intiisa badan is xog wareysi u badnaa ayaa sidoo kale diirada lagu saaray sida ugu wanaagsan ee Qaramada Midoobay ay u sii wadi karto taageerada ay siiso Soomaaliya iyo dadkeeda.

“Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan waxa uu ku faraxsan yahay in uu maanta Muqdisho kula kulmo oo uu si shakhsi ah ugu hambalyeeyo Madaxweynaha dhowaan la doortay ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ka xog wareystay arrimaha mudnaanta u leh maamulkiisa, waxa ay ka wada hadleen sida ugu wanaagsan ee Qaramada Midoobay ay u sii wadi karto taageerada ay siiso Soomaaliya iyo dadkeeda” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobe.

Kulankan ayaa waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku wehliyay Xildhibaan Cali Balcad oo Agaasimihii hore Madaxtooyada ahaa iyo Xuseen Macalin oo ah Agaasimaha Machadka Daraasaadka Amniga Hiraal, una muuqdo inuu yahay La Taliye Sare.

Xuseen Macalin ayaa ahaa La Taliyihii u horreeyay Amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo markii uu ku guuleystay doorashada 8 Febraayo 2017, bilooyin kaddib iska casilay, iyadoo lagu xusuusto sida weyn uu Maamulkii Farmaajo u mucaaradayay.

Madaxweyne Xasan oo todobaadka soo socda xafiiska la wareegayo ayaa tan iyo markii la doortay waxa uu waday kulamo kala duwan uu la yeelanayay dhinacyada Soomaalida iyo beesha caalamka, iyadoo kulamadaas intooda badan diirada lagu saarayay sidii loo xoojin lahaa cilaaqaadka dowladda iyo beesha caalamka oo hoos u dhacay Shantii sano uu xafiiska joogay Farmaajo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More