Swan oo guddiga doorashada FEIT kala hadlay afarta kursi ee dib u soo celiyeen

April 07 (Jowhar.com)- Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa maanta la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashada Federaalka (FEIT), Muuse Geelle iyo xubno kale oo ka tirsan Isla guddiga.

Sida wararku sheegayaan, mas’uuliyiinta FEIT waxa warbixin ka siiyeen hannaanka doorashada Soomaaliya iyo khilaafaadka taagan, iyadoo laga arinsaday sidii khilaafaadka loo dhameyn lahaa.

Mr. Swan ayaa ku boorriyey dhinacyadan inay xal u helaan arrimaha ku xeeran afarta kursi ee Guddigu aysan siin shahaadooyinka si doorashadu ay u dhammaato iyadoo aan dib u sii dhicin.

Si kastaba, Kulankan ayaa ku soo aaday xili madaxweynaha Koofur Galbeed uu sheegay ineysan shahaado qaadan doonin xildhibaanada labada aqal ee maamulkiisa, iyadoo aan la fasixin kuraasta la xanibay si doorashada loosii amba qaado.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More