Taliye kuxigeenka Nabad Sugida Galmudug oo lagu dilay Cabudwaaq.

July 17 (Jowhar.com)-Wararka ka imanaya degmada Cabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay taliye kuxigeenkii Ciidanka Nabadsugida Iyo Sirdoonka Qaranka Qeybta Galmudug Cabdiraxmaan Faarax Geelle oo loo yaqaaney Beyr.

Sida wararku sheegayaan, dilka sarkaalkan waxaa ka danbeeyay askari ka tirsan ciidamadda milatariga, iyadoo gacan ku dhiiglaha uu goobta isaga baxsaday toogashada kadib.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in dilka sarkaalkan NISA ka tiraanaa uu yimid kadib markii muran uu soo kala dhex galay isaga iyo askariga dilka geystay, iyadoo aan faah-faahin buuxa laga bixin waxa uu salka ku hayay murankooda.

Ciidamadda Nabad Sugida Galmudug ayaa xaafadaha magaalada Cabudwaaq ka baadi goobaya askariga dilka geystay oo la sheegay inuu ku dhuumaaleysanayo mid kamid ah xaafadaha Degmada Cabudwaaq ee waqooyiga Galgaduud

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More