Tallaalka Covid 19 ee lagu farsameeyey Shiinaha oo Muqdisho laga bilaabay

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ayaa maantay si Rasmi ah u daah furtay Tallaalka SINOPHARM ee Dawladda China ugu deeqday Dawladda Soomalia.

Tallaalka SINOPHARM ayaa ka mid ah Tallaalada ka hortaga Caabuqa COVID-19 ayaa soo gaaray dalka Soomaaliya maalintii Axada oo taariikhdu aheed 11.04.2021.

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Axmad Xuseen Macalin Iyo Safiirka dawladda China u fadhiya Soomaliya Qin Jian, ayaa maantay si rasmi ah u qaatay Tallaaka ka hortaga COVID-19. waxa sidoo kale qaatay Tallaalka qaar ka mid ah agaasimayaasha

Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo shaqaalaha ka hawlagala Safaaradda Shiinaha.
Wasiir ku xigeenka Waasaradda Caafimaadka ayaa u jeediyay Dawlada China Mahadcelin balaaran oo ku aadan sida Dawladda Shiinaha ay ugarab taagantahay Dawladda Soomaaliya iyo gacanta weyn ay ka geesteen sidii looga hortagi lahaa cudurka safmarka ah ee COVID-19.

Hore ayaa dalka Soomaaliya loogaga bilaabay talaalka cudurka Covid 19 ee lagu farsameeyay dalka Ingiriiska.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More