Gaari dad rakaab ah saaran yihiin oo ku qarxay duleedka Balcad

Wararka ka imanaya magaalada Balcad ayaa sheegaya in gaari bas ah oo ka soo tegey magaalada Muqdisho kuna sii jeeday magaalada Jowhar ay miino kula qaraxday meel ku dhow deegaanka Gololey ee degmada Balcad.

Qaraxa ayaa sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida darawalka gaariga sheegay waxaa saarnaa in ka badan 20-qof, waxaana geeriyooday 19 halka 4 kalana ay dhaawacmeen.
Gurmad xoog leh ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay halkaa oo laga qaaday dhaawacii halka meydadkana laga soo ururiyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More