Tirada dhimashada Qaza oo kor u dhaaftay 8,306 qof

Oct 31 (Jowhar.com)-Ugu yaraan 8,306 qof – oo ay ku jiraan 3,457 carruur ah – ayaa lagu dilay Qaza tan iyo markii Israa’iil ay billowday duqeymo aargoosi ah oo ay ku hayso deegaanka, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.

Tirada ayaa sidoo kale waxaa ku jira 2,136 haween ah, iyo 480 waayeel ah, sida lagu sheegay warbixinta.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ka digtay in isbitaallada Qasa ay si dirqi ah u shaqeeyaan sababo la xiriira koronto yaraan iyo sahayda oo gabaabsi sii noqonaysa

Xaalad adag ayaa ka taagan Qasa, oo ay wayjahayaan dadka reer Falastiin, xilli weli diyaaradaha Israa’iil ay sii wadaan qudeymaha ay gaysanayaan. Waxaa adag in dadku helaan biyo, cunto iyo dawo sida ay sheegtay Qaramada Midoobey oo shir degdeg ah ka yeelatay xaaladda.

Waxaa soo badanaya baaqyada ku aaddan in xabad joojin la sameeyo si ay suurta gal u noqoto in dadka dhibaateysan gargaar la gaarsiiyo, hase-yeeshee raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa u muuqda in baaqyadaas ka imaanaya madaxda caalamka uu dhegaha ka fureystay

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More