Xiisad kacsanaan ah oo maalinkii labaad ka taagan duleedka Dhuusa-mareeb iyo hub uruursi socda

Oct 31 (Jowhar.com)- Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka wali ay xiisad kacsanaa  ah ka jirto deegaanka Xananbuure oo qiyaas ahaan u jira magaalada Dhuusamareeb 45 KM.

Sida wararku sheegayaan, deegaankaasi oo dhaca duleedka Waqooyi ee Dhuusa-mareeb waxaa dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda ka wada laba maleeshiyo oo qaab beeleed u abaabulaan, kuwaasoo shalay uu dhexmaray dagaal ay ku naf waayeen ilaa 7 ruux, tiro intaasi kabdana ay ku dhaawacmeen.

Dagaalka shalay waxaa la sheegay inuu ka dhashay murun ka bilaawday Ceel biyood laga dhisayo deegaanka, waxaanma guul dareystay dadaalo shalay lagu dhex dhexaadinayay dhinacyada dirirtay.

Odayaal iyo waxagarad kasoo kala jeeda labada dhinac ee dirirta u dhexeyso iyo mas’uuliyiinta maamulka Galmudug ayaa ku baxay xiisada, waxaana socda waan waan lagu doonayo in lagu kala qaadop labada maleeshiyo beeleed, si loo guda galo waji lagu wada hadli karo.

Gobollada dhexe ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada, kuwaasi oo loo arko inay saameyn ku yeelan karaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More