TPLF oo go’aansatay inay difaac ka gasho gobolka Tigray

Jabhadda Tigrey ee TPLF ayaa go’aansatay inay difaacato gobolkeeda kana soo baxdo dhulka ay hore u qabsatay ee Canfarta iyo Amxaarada.

Hoggamiyaha ciidamada TPLF ee dowlada dagaalka kula jira in ka badan hal sano ayaa sheegay in uu amar ku siiyay ciidamadiisa inay isugu yimaadaan soohdinta gobolka Tigray weliba si degdeg ah.

Debretsion Gebremichael Warqad ayaa Qaramada Midoobay 19kii Diseembar, u gudbiyay qoraal uu ku sheegayo in jabhadiisu oggoshahay xabad joojin kadibna wadahadal laga galo colaada kala dhexeysa xukuumada Itoobiya.

Go’aanka ay gaareen TPLF ayaa ku soo beegmaya xilli ciidamada dowlada Itoobiya ay kala wareegeen dhul ballaaran todobaadyadii la soo dhaafay,waxaana ka mid ah magaalooyin waaweyn oo ku yaal gobolada Amxaarada iyo Canfarta.

Warkan ka soo baxay jabhadda TPLF ayaa sidoo kale ku soo beegmay xilli uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo hoggaaminaya dagaalada lagula jiro Tigreyga uu safar dibada ah ugaga maqan yahay dalka Itoobiya.

Abiy Axmed ayaa ka mid ah madax ka socota qaarada Afrika oo ka qeybgalaysa kulanka wadamada Afrika iyo dowlada Turkiga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More