Ururada siyaasadda Puntland oo shuruudo adag ku xiray ka qeyb galka doorashada golaha deegaanka.

Nov. 30 (Jowhar.com) -Ururada Siyaasada ee Maamul goboleedka Puntand ayaa waxaa ay soo sareen warmurtiyeed kaddib markii muddo sadex maalmood ah ay kulan ku lahaayeen magaalada Garowe, ee xarunta maamulkaas.

Shirkan ayaa lagu soo warramayaa in aanan lagu casuumin ururka KAAH ee dowladda.

Sida ku cad warsaxaafafeedkooda, Ururada siyaasada waxay dalbadeen in la dhameystiro xubnaha maxkamadda dastuuriga iyo in deegaannada doorashadu aysan ka dhici karin laga gaaro heshiis siyaasadeed ka hor inta aysan billaaaban diiwaan galinta.

Waxey kaloo dalbadeeb in la dhimo tirada xildhibaannada golaha deegaanka ee degmooyinka Puntland iyo sidoo kale in ururada mucaraadku ay qeyb ka helaan dakhliga maamulka iyo taageerada laga helo deeq bixiyaasha caalamka.

Si kastaba, majirto ilaa iyo haatan wax jawaab ah oo maamulka madaxweyne Deni ay ka soo saareen arrintan, iyadoo howlahan uu u xilsaaran yahay wasiirka arrimaha gudaha Juxa.Ururada siyaasadda Puntland oo shuruudo adag ku xiray ka qeyb galka doorashada golaha deegaanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More