Villa Soomaaliya oo war ka soo saartay shirka madaxda DF iyo maamulada ee Baydhabo

Madaxda DF iyo kuwa maamul goboleedyada oo maanta tegaya Baydhabo

Mar. 12 (Jowhar.com)-Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka hadashay shirka magaalada Baydhabo ay 15-ka bishan ku yeelanayaan madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada, iyadoo Koofur Galbeed ay diyaar garowgii u danbeeyay ugu jirto marti gelinta shirkan oo xili xasaasi ah kusoo aadaya.

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka, Xuseen Sheekh Maxamuud oo raja wanaagsan ka muijiyay inuu shirkaasi mira dhal noqdo aya dhinaca kale ka hadlay ajendaha ugu culus ee horyaala madaxda heer federaal iyo kuwa dowlad goboleedyada

“Mar walba oo madaxdu shirkan isugu yimaadaan, waxay ka wada hadlaan xaaladda dalka uu markaas ku sugan yahay, oo siyaasadeed, amni iyo dhaqaale,” ayuu yiri agaasimaha Madaxtooyada.

Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa dhinaca kale shaaciyay inay madaxdu heshiis kama dambeys ah ka gaaraan arrimaha doorashooyinka dalka oo doodo ay ka soo laabteen kadib markii suuqa ay soo gashay qorshaha mudo kororsi ee dowladda.

“Marka laga soo taggo ajandayaasha joogtada ah, oo amniga xoreynta dalka, siyaasadda iyo dhaqaalaha ay ka mid yihiin, hadda Baydhabo waxay u ballansan yihiin inay ka hadlaan doorashooyinka dalka, oo heshiis kama dambeys ah in laga gaaro oo dabcan doorashada soo socoto lagu saleynayo. Insha’Allah waxa aan rajeynayno inay sal u noqon doonto, sano badan oo soo socdana nidaam doorasho oo la isku ogyahay, oo xisbiyo ku dhisan oo dimoqraadi ah in la helo,” ayuu yiri agaasimaha.

Si kastaba, shirka waxaa ka maqan oo diiday inuu ka qeyb galo madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Deni oo diidmadiisa sal uga dhigay knilaafka kala dhexeeya madaxweynaha Jubaland iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More