Vladamir Putin oo markii shanaad loo dhaariyay Madaxtinimada Ruushka

May 07 (Jowhar.com)-Vladimir Putin ayaa loo dhaariyey markii shanaad xilka madaxweynaha Ruushka isgoo xilka hayn doona lixda sano ee soo socota.Qudbad kooban oo uu dhaarinta kadib jeediyay Madaxweyne Putin ayaa sheegay in shacabka Ruushka ay mideysan yihiin ay si wadajir ah ayna guuleysan doonaan.

Madaxweyne Putin ayaa halka maanta lagu dhaariyay ahayd meel uu si wanaagsan u yaqaan isagoo markii ugu horeysay la wareegay talada dalka Ruushka bishii May 2000.24 sano ka dib, hogaamiyaha Kremlin wuxuu dagaal ku qaaday Ukraine; dagaal khasaare badan lagu gaarsiiyay Ruushka.

Waxaa cajiib ah in laga fikiro in tan iyo markii uu Vladimir Putin xukunka qabtay, America ay soo martay shan madaxweyne oo kala duwan, Ingiriiskana uu soo maray 7 ra’iisul wasaare.

Caqabadda haysata reer galbeedka waa sidii ay ula macaamili lahaayeen hogaamiye Ruush ah oo sii xoogaysanaya oo go’aansaday inuu soo celiyo waxa uu u arko in uu yahay weynaanta Ruushka; boqor casri ah… oo wata hubka nukliyeerka.

Vladimir Putin ayaa ku guuleystay in ka badan 87% codadkii la dhiibtay doorashadii madaxtinimada ee bishii March.
Si kastaba ha ahaatee, ma uusan la kulmin loolan culus tartan si weyn loogu arko mid xor ah oo aan cadaalad ahayn.

Putin ayaa xilka madaxweyne ama ra’iisul wasaare soo hayay tan iyo 1999. Dadka dhaleeceeya ayaa sheegaya in dhaxalkii uu ka tagay ku dhawaad ​​25 sano ay yihiin dagaal, kobac dhaqaale oo gaabis ah iyo cadaadis.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More