Waare oo Farmajo ku eedeeyay inuu wado abaabul ciidan doorashada ka dhan ah.

April 05 (Jowhar.com)- Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa ka hadlay khilaafaadka cusub uu dalka galay, xili doorashada ay heer gaba gaba ah mareyso.

Waare oo wareysi siiyay TV-ga Universal ayaa madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay inuusan xiligan wax doorasha ah oo dalka ka dhacdo u socon taas bedelkeedna uu doonayo inuu xukunka iska sii dheereysto, wuxuuna ka digay dhibaatada ka dhalan karta xukun jeceylkiisa.

Ciidamo laga kala keenayo Eritrea iyo Itoobiya ayuu sheegay inuu Farmaajo uga gol leeyahay sidii awood uu xafiiska ugu sii dheereysan lahaa, wuxuuna banaanka keenay qorshaha madaxweynaha uu saacad kasta ula shiro taliyayaasha ciidamada qalabka sida.

“ Farmaajo ma ahan mid doorasho rabo , wuxuu qorsheeyay in ciidamada Eritrea ku maqan ee lasoo tababaray iyo ciidamo kale oo Itoobiya ka imaanaya loo adeegsado in lagu qabsado dalka, dhaqdhaqaaqyada hadda socda iyo taliyayaasha lala shirayo waa qorshe culus ,” ayuu yiri Waare.

Si kastaba, khilaaf aad u sareeya ayaa hareeyay doorashada iyadoo maamulka Koofur Galbeed ay ku dhawaaqday iney wada shaqeyntii dhanka doorashada ay u jartay ra’iisul wasaare Rooble, walow aaney jirin wax doorasha ah oo ku harsan maamulkaasi, maadaama uu soo dhameystiray doorashada 77 xildhibaan ee aqalka sare iyo golaha shacabka ku meteleysa baarlamaanka 11-aad.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More