Waasiir Khadiijo Maxamed Diiriye oo maanta aas loogu sameynayo Muqdisho

Dec 21 (Jowhar.com)-Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu aaso Alle ha u naxariistii wasiirkii haweenka iyo xuquuqul insaanka Soomaaliya oo shalay Jabuuti ku geeriyootay.

Rai’sul wasaare Xamsa cabdi bare ayaa aaska wasiirada u magacaabay guddi qabanqaabiya islamarkana ka shaqeeya sidii Muqdisho loo geyn lahaa looguna aasi lahaa.

Wasiirka Warfaafinta ee dowladda federaalka ee Soomaaliya Daaud Aweys oo ka mid ah guddigan ayaa qabanqaabada ayaa sheegay in meydka wasiirada la keenayo Muqdisho, aaskeedana ay ka qeyb gali doonaan madaxfa sare ee dowladda Soomaaliya.

Marxuumaddu waxay ahayd qof saamayn ku lahaa siyaasadda Soomaaliya, iyadoo tan iyo burburkii dalka kadib kaalin weyn ku lahayd howlihii dowlad dhiska Soomaaliya, waxayna muddo ka badan 20 sano kamid ahayd baarlamaanadii kala duwanaa ee Soomaaliya.

Sidoo kale, waxay wasiir kasoo noqotay badi xukuumadihii kala dambeeyay ee dalka soo mara, oo ay ugu dambeyso xukuumadda haatan uu hoggaamiyo raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More