Wafdi ka socda Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedka HirShabelle oo gaaray Aden Yabaal

Dec. 26 (Jowhar.com)-Mas’uuliyiin katirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabelle ,Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS , Howlwadeeno kale oo ay wehliyaan hey’adaha ka shaqeeyo Howlaha Xasilinta ayaa maanta gaaray degmada Adan Yabaal,si ay u daraaseeyen xaaladaha kala duwan ee ka jiro degmada, Baahiyada Bulshada iyo sidii loo caawin lahaa dadka deegaannadaasi oo dagaal adag la galay Alshabaab.

Wafdiga waxaa magaalada kuso dhoweeyay Guddoomiyaha Gobolka Shabelleda Dhexe Axmed Meyre Makaraan iyo Maamulka Degmada Adan Yabaal .

Masuuliyiinta ayaa marka hore soo qiimeeyay Goobaha danta guud sida Iskuulka Degmada Adan Yabaal, Xarunta Cusbitaalka , Ceelasha Degmada , Xarunta Maamulka Degmada iyo goobo kale oo muhiim iyaga oo diiradda saarayay inay si dhab u qiimeeyen Howlaha hortebinta u leh Maaamulka degmada Adan Yabaal .

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabelle Maxamed Macalin Xasan Kulmiye oo wafdiga hormuud ka ahaa ayaa bogaadiyay dadaallada ay hey’adaha Xaslinta ku qiimeynayaan Adan yabaal si looga jawaaabo baaqii Madaxweynaha Dowladda HirShabelle Md Ali Gudlawe Hussein ka jeediyay Degmada Adan yabaal kadib booqasho uu ku tegay todobaad kahor.

Masuuliyiinta labada heer ee Dowladda , Maamulka Gobolka iyo hey’adaha aya kulan la yeeshay qeybaha Bulshada oo matalayay deeganno hoos yimaado Adan Yabaal iyo sido kale Maamulka Degmada.

Wasaraadda Arrimaha Gudaha Hirshabelle ayaa ka shaqeeyneysa inay isku xerto dadaalllada Xasilinta si looga jawaabo baahiyaha taagan ee dhinacyada Gargaarka, Maamul daadejin iyo horumarinta adeegyada bulshada ee goobaha laga xoreeyay Alshabaab.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabelle Mohamed kulmiye oo wafdiga hormuud ka ahaa ayaa bogaadiyay dadaallada ay hey’adaha Xaslinta ku qiimeynayaan Adan yabaal si looga jawaaabo baaqi Madaxweynaha Dowladda HirShabelle Md Ali Gudlawe Hussein ka jeediyay Degmada Adan yabaal kaddib booqasho uu ku tegay todobaad kahor

Masuuliyiinta labada heer ee Dowladda,Maamulka Gobolka iyo hey’adaha aya kula la yeeshay qeybaha bulshada oo matalayay deeganno hoos yimaado Adan Yabaal iyo sidoo kale Maamulka Degmada .

Wasaraadda Arrimaha Gudaha HirShabelle ayaa ka shaqeeyneysa inay isku xerto dadaalllada Xasilinta si looga jawaabo baahiyada taagan ee Gargaar, Maamul daadejin iyo horumarinta adeegyada Bulshada ee goobaha laga xoreeyay Alshabaab.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More