War Deg-deg ah; Qaraxyo ka kala dhacay magaalooyinka Buuloburte iyo Jalalaqsi

Oct. 19 (Jowhar.com) -Waxaa soo baxaya faahfaahino qaraxyo ka dhacay magaalooyinka Buuloburte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Qaraxa hore ayaa ka dhacay bartamaha buundada muhiimka ah iyadoo qaraxana uu ka dhashay gaari waxyaalaha qarxa lagu soo xirey.Buundada ayaa burbur weyn soo gaaray iyadoo ay dad rayid ah ay ku dhinteen qaar kalana ku dhaawacmeen.

Dhinaca kale qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa lala beegsaday xarunta dhismaha maamulka degmada Jalalaqsi.

Qaraxan oo ahaa gaari Nooha ah ayaa waxaa uu sababay dhimasho iyo dhaawac waxaana dadka ku dhintey ka mid ah guddoomiyihii hore ee degmada Jalalaqsi Maxamed Nuur Cagajoof oo loo yiqiin Dabaashe iyo duqii magaalada Jalalaqsi Aadan Maxamed Ciise.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More