Wararkii u dambeeyay nabadoon caan ahaa oo lagu dilay Gaalkacyo iyo howlgal socda.

June 17 (Jowhar.com)- Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar kooxo Bistoolado ku hubeysan ay fiidkii hore ee xalay ka geysteen Waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo ay ka arrimiso maamulka Puntland.

Dilka oo si gaar ah uga dhacay xaafadda Garsoor ayaa lagu beegsaday Nabaddoon Cabdiqani Xassan Waloore, waxaana la dilay xilli uu ka soo baxay Masjidka Macmuur oo uu ku soo tukaday Salaadda Cishaha, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Ciidamada amniga oo toogashada kadib tagat halka dilka uu ka dhacay ayaa sameeyay howlgalo baaritaano ah, iyagoo xabsiga dhigay dhowr kamid ah dhalinyaradii ku sugneyd goobta uu dilka ka dhacay, iyagoo su’aalo ka weydiinaya waxa ay ka ogyihiin iyo doorka ay ku lahaayeen falkan.

Arrinta la yaabka iyo murugadableh ayaa ah in goobta lagu dilay Nabaddoon Cabdiqani sidan oo kale hore loogu dilay Aabihiis Xassan Waloore,waana taas mida keentay in dadka reer Puntland ay si aad ah u hadal hayaan falkan foosha xun.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More