Wararkii u danbeeyay Khasaaraha Ismiidaamintii xalay ka dhacday gobolka Sanaag.

Sept. 12 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax Ismiidaamin ahaa oo xalay fiidkii ka dhacay tuulada Milxo oo ku taalla buuraleyda Calmdaow ee gobolka Sanaag.

Qaraxa oo uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa beegsaday maqaaxi lagu shaaxo, laguna qayilo oo ay fadhiyeen dad weyne badan oo shacab ah, iyadoo weerarkaasi uu sababay khasaare culus oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Shan ruux ayaa ku geeriyootay qaraxan, halka 10 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ilo dad deegaanka oo wargal ah ay sheegeen.

Dadka dhaawacyada soo gaaray oo xaaladooda ay adag tahay ayaa loosoo qaaday Isbitaalada magaalada Boosaaso, iyadoo aaney jirin cid wali sheegatay Ismiidaamintaas iyo wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga Puntland.

Si kastaba, Deegaanka Milxo waxaa saameyn ku leh Al-shabaab ee ku sugan buuraleyda Calmdow, sidoo kale waxaa mararka qaar ka dhaca shaqaaqooyin la xiriira qodista Dahabka oo deegaanka aad looga helo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More