Wararkii u danbeeyay khasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo

Mar 9 (Jowhar.com)- Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal ciidamo ka tirsan daraawiishta Jubaland oo taageero ka helayay Xoogga dalka iyo Kooxda Al-Shabaab ku dhexmaray degaano hoostaga degmada Jamaame oo katirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii kooxdan Shabaab ay ku soo dhex dheceen howlgal ay wadeen ciidamada Jubaland, waxaana jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay guluftan.

Saraakiil ka tirsan Daraawiishta Jubaland ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in dagaalkan ay ku dileen 10 kamida dagaalamayaasha Shabaab, iyagoo sidoo kale sheegay iney gacanta ku dhigeen 6 sarkaal oo kooxdan ka tirsan.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa iyo inta ay ka saarayaan degmooyinka igo degaannada ay weli kaga sugan yihiin Gobolka Jubbada Hoose.

Majiro wali wax war ah oo ka soo baxday kooxdan oo ku aadan jabka ay sheegeen iney gaarsiiyeen ciidamadda Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubaland, iyadoo goobihii lagu diriray ay haatan yihiin kuwo haawanaya oo aan cidna ku sugneyn.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More