Wararkii u danbeeyay magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub iyo mashquul ka jira madaxtooyada.

June 14 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saacadaha soo socda laga sugayaa inuu ku dhawaaqo ra’iisul wasaarihiisa cusub, kaasoo soo dhisi doono xukuumad halkeeda ka sii dhaqaajisa howsha dowladnimo ee dalka.

Sida wararku sheegayaan, mashquul xooggan ayaa ka jira xafiiska madaxweynaha, waxaana soo dhamaaday kulamao dhinacyo kala duwan lahaa oo loolan ugu jiray magacaabista xilkan, iyadoo ugu danbeyn madaxweynaha iyo saaxiibadiis ay xusheen dooqooda koowaad ee hagaha hay’ada fulinta.

Waxaa jiray ilaa saddex dhinac oo u hanqal taagayay in la siiyo booskan oo kala ahaa; Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo is wata, Saaxibada mudada dheer ee Madaxweynaha iyo Deeq bixiyeyaasha Local-ka (Ganacsatada) ee maalgeliyay Ololihiisa, waxaana dhinacyada haatan ka soo haray oo kaliya garabka koowaad.

Ilo lagu kalsoonaan karo waxey inoo sheegeen in ra’iisul wasaaraha cusub ee Jamhuuriyada Soomaaliya kaas oo noqonaya ra’iisul Wasaarihii 21-aad ee dalku yeesho uu ka iman doono dhanka Jubaland, maadaama maamulkaasi uu yahay midka kaliya ee ku qatan maamulada dalka ee xilalka sare ka haya hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Waxaa caawa ku eg mudda uu heystay madaxweynaha ee looga fadhiyay inuu ku dhawaaqo ra’iisul waaaarihiisa, iyadoo la filayo in munaasabad lagu shaaciyo magacaabista, taasoo noqon doonta mid ka duwan sidii hore looga bartay madaxweynayaashii dalka soo maray.

Inkastoo aanu Dastuurka ku qorneyn in Madaxweynaha uu muddo 30 cisho gudahood ku soo magacaabo Ra’iisul Wasaare, haddana dhaqan soo jireen ayay aheyd, iyadoo Axdi Qarameedkii lagu soo dhisay dowladdii KMG ee Imbagathi uu dhigayay in Madaxweynaha 30 cisho gudahood Ra’iisul Wasaare ku soo magacaabo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More